Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 17 2008
Xildhibaano Gaaray Magaalada Baydhabo
Written by Ali Moallim   
Sunday, 17 August 2008

Baydhabo, (insidesomalia.org)- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay gaaray Baydhabo, kuwaasoo sheegay in ay dhexdhexaad ka yihiin kala qaybsanaanta soo dhexgashay Baarlamaanka.

 

Mudanayaashaan oo ka yimid Nairobi ayaa waxay saxaafada kula hadleen Baydhabo iyagoo sheegay inay damacsan yihiin inay dhexdhexaadiyaan xubnaha kala aragtida duwan ee Baarlamaanka kuwaasoo kala raacay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha.

 

Xildhibaannada gaaray Baydhabo oo tiradoodu ay ahayd 13 ayaa waxaa ka mid ahaa Bashiir Maxamed Aadan (Dhuuracaso), Ibraahim Xabeeb Nuur, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo kuwo kale, waxayna dhamaantood sheegeen inay dhexdhexaad ka yihiin xarig jiidka ka socda gudaha Baarlamaanka.

 

"Qorshaheenu wuxuu yahay inaan isugu keeno mudanayaasha baarlamaanka hal meel aana u sheegno in khilaafku uu sababi karo in baarlamaanka uu burburo" ayuu yiri Xildhibaan Dhuuracaso.

 

Xildhibaan Maareeye ayaa isaguna sheegay in baarlamaanku uu yahay dhedhexaad, isla markaana ay ku qaldan yihiin mudanayaasha qaarkood inay raacaan dhinac gaar ah, ayna ogaadaan inay u shaqeeyaan shacabka, balse aysan u shaqeyn madaxda Dowlada.

 

Baarlamaanka ayaa u muuqada inuu u qaybsamay laba qaybood oo midi uu taageerayo Madaxweyne Yuusuf, halka midka kalena uu taageerayo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde.

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >